Xog waxtar leh

Maxay muhiim u yihiin adeegyada caafimaadka dadweynaha

Af-Soomaali ahaan, fiidiyowgan wuxuu sharxayaa caafimaadka dadweynaha iyo muhiimaddiisa ku aaddan taageeridda nolol caafimaad leh adiga, qoyskaaga, iyo bulshadaada.

Gaadiidka caafimaadka ee aan degdegga ahayn

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa Af-Soomaali sida xubnaha Medicaid ay u heli karaan gaadiid bilaash ah oo ay ku tagaan ballamaha caafimaad ee aan degdegga ahayn. Hel gaadiidka aad u baahan tahay!

Lacag celin ah oo loogu talagalay xereynta canshuuraha

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa af-Soomaali in marka aad xarayso canshuuraha dakhliga federaalka aad heli karto fursad aad ugu qalmi karto canshuur-dhimis (tax credits) iyo lacag celin (refunds). Xarso canshuurahaaga oo dib u hel lacag kaa caawin karta qoyskaaga!

Kheyraadka loogu talagalay dadka magangelyo la siiyay

Fiidiyowgan wuxuu sharxayaa kheyraadka u diyaar ah dadka magangelyo-doonka ah (iyo xaaladaha kale ee socdaalka). Kheyraadka waxaa ka mid ah: adeegyo, dukumentiyada aqoonsiga, kaarka deganaanshaha (green card) iyo muwaadinimo, iyo isu keenidda qoysaska.

“Ka labalabeynta tallaalka COVID-19”

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa af-Soomaali in tallaalka COVID-19 uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh. Qaado tallaalkaaga isla marka aad u qalanto. Ilaali naftaada, qoyskaaga, iyo bulshadaada adigoo qaadanaya tallaalka!

Ogow halka aad u socoto

Fiidiyahani wuxuu ku sharxayaa Af-Soomaali farqiga u dhexeeya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah (primary care), daryeelka degdegga ah ee aan badnayn (urgent care), iyo daryeelka xaaladaha degdegga ah (emergency care). Qorshahaaga samee oo ogow meesha aad u baahan tahay inaad aado!

Codsashada Medicaid

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa Af-Soomaali sida loo codsado Medicaid. Samee qorshe aad ku codsato faa’iidooyinka Medicaid-gaaga.

Marka aan codeyno

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa Af-Ingiriisi in aan nahay qaxooti iyo soo-galooti, oo aan u codayno kuwa na soo dhoweeya iyo kuwa nala qorsheeya. Ma leedahay qorshahaaga aad ugu codayn lahayd qoyskaaga iyo mustaqbalkaaga? Aan codeyno!

Aan is tallaalno

Fiidiyowgan wuxuu ku sharxayaa af Ingiriisi in tallaalka COVID-19 uu yahay mid ammaan ah oo wax ku ool ah. Qaadashada tallaalku waxay kaa caawin doontaa inaad ku laabato noloshaada farxadda leh. Ka ilaali naftaada, qoyskaaga, iyo bulshadaada. Aan is tallaalno!

Aan si caafimaad leh u noolaano

Fiidiyowgan waxa uu ku sharxayaa Ingiriisi sida loo ku biiro barnaamijka Text2LiveHealthy. Waxaad baran doontaa sida loo noolaado si caafimaad leh adigoo sameynaya doorashooyin wanaagsan si aad si fiican wax u cunto oo aad u noqoto mid firfircoon oo jidh ahaan dhaqaaq badan.